Taliska Ciidanka Xoogga oo Ka Hadlay Weerar Shabaab Ku Qaadeen Awdheegle

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerar Al-shabaab ay saakay ku qaadeen Deegaan hoos yimaada Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in xubno shabaab ka tirsanaa ay soo weerareen Deegaanka Ceel Saliini oo hoostaga Deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iska caabbiyay weerar Al-shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo hoostag Aw-dheegle,iyagoo cadowga gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Ceel Saliini waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xoogga Dalka kana wada howlgalo amni xaqiijin ah”, ayuu lagu yiri qoraalka Taliska Ciiidanka Xoogga dalka.

Dhanka kale shaabab waxa ay sheegeen in weerarka Deegaanka Ceel Saliini ay ku qaadeen ay khasaare ugu geysteen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahintooda u sheegay in ciidankoodu ay si buuxda ula wareegeen saldhigga islamarkaana ay halkaas ku dileen askar fara badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.