Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Sheegay in La Dilay 13-Shabaab ahaa

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa guulo ka sheegtay dagaal Al-shabaab lagula galay deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Sareeye Guuto Maxamed Sheekh C/llaahi ayaa sheegay in ciidanka ay iska difaaceen weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen, ayna khasaare gaarsiiyeen.

Waxa uu sheegay in dagaalka ka dhacay Deegaanka Daynuunay lagu dilay 12-xubnood oo ka Tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana tiro kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Daynuunay ay ka warhayeen dagaalka kaga soo wajahnaa Ciidamadda Al-shabaab,ayna ku jabiyeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.