Soomaaliya oo Xil Sare Ka Qabatay Qaramadda Midoobay

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah loo doortay madaxweyne ku xigeenka shirka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka.

Warkan ayaa lagu shaaciyay bogga safaaradda Soomaaliya ee wadanka Mareykanka, waxaana xilkan Soomaaliya ku matelaya safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle.

Xilka madaxweyne ku xigeenka oo markiiba ay qabtaan dalal dhowr ah ayaa dalalka kale ee sanadka Soomaaliya ku wehliya waxaa kamid Cameroon iyo Togo, waxaana matelaad ku yeesha dhammaan shanta qaarad ee adduunka.

Soomaaliya ayaa xilkan horay usoo qabatay dhowr jeer oo kala h sandkii 1963-64 oo uu soo qabtay Dr Xasan Nuur Cilmi, 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed Aadan “Qeybe” iyo Sanadkii 1986-87 oo uu soo qabtay Cabdullaahi Cismaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.