spot_img

Soomaaliya Iyo Qaramada Midoobe Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Amniga Doorashada Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa wada hadal mira dhal ah aaladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka) kula yeeshay Ergada Qiimeynta Hawlgalka Qaramada Midoobay ee ku aadan ‘Rule of Law Sector in Somalia’

Wasiir Xasan ayaa carabka ku adkeeyay intii uu kulanka socday ahmiyadda iyo mudnaanta ay leedahay hirgalinta STP, iyadoo si wanaagsan loola jaan qaadayo dhammaan Wasaaraddaha ay khuseyso, isla markaana u baahan dhisidda awoodda hay’adaha Amniga.

sidookale kulankaan ayaa waxa diirada lagu saaray arimaha xoojinta amniga doorashooyinka dalka iyo kaalinta qaramada midoobe ee ku aadan ka qeybqaadashada dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha oo ay ka taageereyso soomaaliya.

kulanyaa imaanya iyadoo dhawaan dowladda soomaaliya ay iska diiday warbixin ay soo saareen kooxda baaritaanka howlgalka amisoom u qaabilsan arimaha xasiloonida soomalaiya taasi oo meesha looga saaray in ciidamada dowladda soomaaliya aysan waqti xaadirkaan si buuxda ula wareegi karin amniga guud ee dalka ,maadaama uu qorshu ahaa in ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ee Amisom ay dalka iskaga baxaan dhamaadka sanadkaan.

Hasayeeshee Taliska Howlgalka Amisom ayaa daneynaya in masuuliyada fulinta howlagaladooda la hoose geeyso midowga afrika ama qaramada midoobe

Related Post

Wararka