Shir u Dhaxeeya Maamuladda KGS iyo Hir-shabeelle oo Baydhabo Ka Furmaya

Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlaayo  fataadaha iyo abaaraha.

Shirkaan waxaa si wadajir ah u shir gudoomin doona Madaxweynayaasha Maamuladda Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cabdi Waare, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaaladda Baydhabo,waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha KGS.

Wasiirka Qorsheynta maamulka Koonfur GALBEED Soomaaliya, Axmed madoobe Nuunow Maxamed  ayaa warbaahinta u faahfaahiyay muhiimaddda shirkaan u leeyahay Maamuladda Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay In labada maamul ay saameyn ku yeesheen fataadaha iyo abaraha, sidaas darteed ay go’aansadeen in ay arrimahaas shirka ka yeeshaan.

Magaalooyinka Bardaale, Beledweyne ee Maamulada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa sameeyay Fataahada wabiga Shabeelle.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.