spot_img

Shir Amniga Looga Hadlayo Oo Ka Furmay Magaalada Laascaanood

Waxaana maanta gobolka sool ka furmay shirweyne looga hadlay amniga magaalada laascaanood ee gobolkaasi.

shirkaan waxa ka qeyb galaya qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka sool iyo inta badan odayaasha dhaqanka iyo isimada gobolka.

wararka ayaa sheegaya in la diiday in shirka ay ka qeyb galaan masuuliyiin ka socota dhinaca maamulka soomaaliland

waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaan diirada lagu saarayo,waxaa ka mid ah sii looga hortagi lahaa falalka amidaro ee ka dhacaya gudaha magaalada laascaanood iyo dililka qorsheysan oo muddoyinkii dambe ku soo badanayay magaalada

shirkaan ayaa waxa uu imaanaya xili habeeno ka hor ay aheyd markii kooxa hubeysan ay gurigiisa meel udhaw ku toogteen xildhibaan ka mid ahaa golaha deegaanka degmada laascaanood taas oo ay uga caroodeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada islamarkaasna ay dhigeen dibad baxayo balaaaran oo ay ku muujinayaaan sida ay uga xunyihiin dilkaasi

 

Related Post

Wararka