Shil Gaari Dhimasho iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Duleedka Garoowe

wararka ka imaanaya deegaanada puntland ayaa waxa ay ksuoo waramayaan in xalay shil gaari khasaare kala duwan geeystay uu ka dhacay duleedka bari ee magaalada garoowe

shilkaan gaari  ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii labada gaari oo midna yaryahay oo probox ah  halka midkalena la sheehgay in uu ahaa gaari weynyahay oo iska roge ah

Laamaha aminiga dowlad goboleedka puntland waxa ay sheegeen shilka gaari uu  si gaar ah uga dhacay koontaroolka bari ee laga soo galo magaalada garoowe

khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa la sheegay in uu sababay shilkaani ,waxaana la sheegay in ay ku geeriyoodeen seddax qof  halka laba qof oo kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loola cararay isbitaalada waaweyn ee magaalada garoowe.

ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa shilkaani gaari balse laamaha amniga puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay haatan wadaan baaritaano kale duwan islamrkaasna wixii kasoo baxa ay lasoo wadaagi doonaan warbaahinta.

inta badan shilal nooccaani oo kale ah ayaa waxa ay mudooyinkii  kusoo badanayeen deegaanada maamulka puntland iyadoona shilalka gaari oo khasaaro kala duwan geeysta loo sababeeyaa wadooyinka oo burbursan iyo darawalada oo gawaarida u kaxeeya si xoowli ah iyagoo kacararaya waqti badan in uu uga boxo safarkooda.