Sheekh Yuusuf Kaba Kudukade “Al Shabaab Waa Gobanimo Doon”,!

Gudoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kudukade oo hadal u jeediyay odayaashii soo xulay Xildhibaanadda Baarlaamaanka Soomaaliya ee ka yimid dhanka Galmudug ayaa sheegay in Shabaab ay yihiin kuwa Gobonimo doon ah.

Yuusuf  Kaba Kutukade ayaa Odayaashii uu kula hadlayay magaalada Xarardheere si qota dheer wax ufahamsiiyay isagoo si dhab ah uga hadlay loollanka ka jira dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Shabaab ay yihiin kuwa udagaallamaya sidii ay gobanimo ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed gummeystahana dalka looga saari lahaa

“Al Shabaab waa gobanimo doon waxay doonayaan in diinku sare maro” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ciise Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya, iyo Ciiidamadda AMISOM ayaa waqti walba waxa ay sheegeen in ay u dagaalamaan Sareynta Diinta Islaamka,islamarkaana ay dagaalka wadi doonaan inta AMISOM Dalka ku sugan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.