Shabaab oo Sheegay in Maalinta bari ay Tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga,

Al-shabaab ayaa sheegay in maalinta bari ay taahy maainta koowaad ee Ciidul Fidriga,kadib markii bisha La Arkay

Warbaahinta Shabaab ayaa caawa baahisay in bisha laga arkay Degmada Ufuroow ee Gobolkadda Baay & Bakool, Deegaanka Waraha Dhoobleey ee Jubbooyinka iyo duleedka deegaanka Gamboole ee Shabeellada Dhexe.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha ayaa lagu sheegay in 10 qofood oo Muslimiin ah ay bisha ku arkeen duleedka Gamboole, 3 kalena ay ku arkeen Waraha Dhoobleey halka 2 qofood oo kalena ay ku arkeen Degmada Ufuroow

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha Shabaab ayaa dadka Muslimiinta ah loogu hambalyeeyay ciidul Fitriga waxaana loogu baaqay in ay dadka masaakiinta ah caawiyaan farxada ciidana la qaybsadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.