Shaabab oo Weerar Xoogan Ku Qaaday Saldhig Ciidamadda Dowladda ku Sugnaayeen

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamadda Al-shabaab ay saakay weerar xoogan ku qaadeen deegaan kaabiga ku haya Degmadda Awdheegle.

Deegaanka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Ceel Siliini,waxaana saldhig ku leh Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,gaar ahaan kuwa ay tababartay Dowladda turkey-ga.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahintooda u sheegay in ciidankoodu ay si buuxda ula wareegeen saldhigga islamarkaana ay halkaas ku dileen askar fara badan.

“Allaah fadligii si buuxda ayaan gacanta ugu dhignay xerada waxaana hadda gudaha xerada daadsan meydadka askartii iyo gaadiidkii ay ka carareen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo la hadlay warbaahintooda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo kuwa xamuul ah oo tiradooda gaarayaan illaa 6 gaari kuwaas oo qaarkood ay ku rakibnaayeen qoryaha culus ee lidka diyaaradaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.