spot_img

(Sawirro) Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Maanta Hortagay Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26-10-2015 hortegey Golaha Wakiilada Puntland si uu uga jawaabo su’aalo ay qabeen mudanayaashu.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa soo xaadiray kullanka, waxaana Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xaasan Shire , Labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka , Wasiiro iyo Bahda warbaahinta.
Gudoomiyaha Baarlamaanka  Puntland Siciid Xassan Shire oo ugu horeyn ka hadlay kullanka ayaa sheegay in maanta uu Madaxweynuhu ku yimi codsigii baarlamaanka ee shalayto xildhibaanadu codsadeen in madaxweynaha ay weydiiyaan, kuwaasi oo la xiriira howlaha qaran ee  dalka ka socda.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa dhammaan mudanayaasha baarlamaanka uga mahadceliyey sida ay ugadanayaan waajibaadka qaran ee saaran, una sheegay in uu diyaarna u yahay inay weydiiyaan su’aalo .
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa madaxweynaha weydiiyey su’aalo, kuwaasi oo la xiriiray xaaladda guud ee dalka , barnaamjyada horumarineed , waxayna ku bogaadiyeen Madaxweynaha iyo xukuumadiisa dedaalka horumarineed ee ka soconaya guud ahaan Puntland oo maanta qaaday dhabada horumarka iyo wanaaga.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa qiray in Gobalada Puntland dhammaantood ay dawladdu kahayso howlo muhiim ah oo la xiriirta horumarka , waxaana uu sheegay in Gobalada dhiman ee uusan tagin ay u qorshaysan tahay in uu tagayo wakhti dhow.
-DHAMMAAD-
IMG_3762 IMG_3766 IMG_3778 IMG_3786 IMG_3787 IMG_3793 IMG_3798 IMG_3800 IMG_3825 IMG_3828 IMG_3834 IMG_3842 IMG_3846 IMG_3850 IMG_3853 IMG_3859 IMG_3862 IMG_3874 IMG_3883 IMG_3886 IMG_3892 IMG_37121

Related Post

Wararka