Sawiro:- Wakiilka QM ee Soomaaliya Oo Siyaasiyiin iyo Odayaal kula kulmay Kismaayo

Wafdi heer sare ah oo hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan SoOmaaliy Danjire James Swan ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee ah xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga uu hogaaminayo James Swan oo goor dhow gaaray magaalada Kismayo ayaa kulamo la qaadanayo Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Madaxwayneha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) oo ay kamid yihiin musharixiinta kuwaas oo walaac badan ka muujiyey doorashada Jubbaland iyo sida ay u dhici karto.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Saacadaha soo socda waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Madaxda Sare ee Maamulka Jubbaland.

Sababaha uu James Swan u tagay magaalada Kismayo ayaa lagu tilmaamay wanaajinta xiriirka u dhaxeryo DFS iyo Jubbaland si masuuliyiinta dowladda Soomaaliya loogu ogolaado inay kor joogto ka noqdan doorashada ka dhaceysa Kismayo.

Waxaa sidoo kale uu qiimeyn ku sameynayaa sida ay wararku sheegayaan hanaanka doorashada madaxtinimo Jubbaland iyo sida haatan wax usocdaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.