Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya,in xalay Magaaladaas lagu dilay Nin Gudoomiye Waaxeed ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo, ee Gobolka Jubadda Hoose.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka Sarkaalka oo lagu magacaabi jirey Axmed Buule Ibraahin,sidoo kalana ahaa Nin Nabadoon ahaa.
Raggii dilka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta gaaray ciidamadda amaanka Maamulka jubbaland oo baaritaano sameeyay.
Magaladda Kismaayo ayaa martigalisay dilal loo geystay Mas’uuliyiin u badan Nabadoono.