spot_img

Saraakiisha dowlada Uganda oo Sheegay in Alshabab ay kula dagaalami doonaan Qaab cusub

Dowlada Uganda ayaa sheegtay in ay badali doonto hananka ay kula dagaalamaan Xarakada Al-shabab labada sano ee soosocota.

Wasiirka gaashaan dhiga dowlada Uganda Sam Kutesa ayaa qadka taleefanka ugu sheegay wakaalada wararka shiinaha ee Xinhua in wax weyn laga badali doono sida ciidankoodu ay uga hortagaan dagaal yahanada Al-shabaab.

Wasiirka ma,uusan soo bandhigin hanaanka cusub oo ay u wajahayaan ladagaalanka Al-shabaab oo wali sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaliya

“ xagjirnimada waxaa abuuro fursado la,aanta jirta, faragalinta shisheeye, iyo fududeeysiga qorista dhalinta xagjirnimada, sidaasi ayuu yiri mr Sam wasiirka difaaca Uganda”.

Waxaan aamin sanahay in aysan tusaale u aheyn in soomaaliya xal kufilin aysan u aheen qaabka military ee dalka kasocda waxaa markale wakaalada wararka Xinhua sidaas  u sheegay Sam wasiirka difaaca dowlada Uganda.

Ciidamada kasocda Uganda ee kusugan wadanka soomaliya waxa ay gaarayaan 10,000 oo askari kuwaasi oo u badan ciidanka militariga .

Uganda ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii waxaa ay dagaal kaga soo horjeedaa xarakada Al-shabaab.

Related Post

Wararka