spot_img

Sababta Ka Danbeysay Diyaaraddii Shalay Baladweyne Ku Gubatay Xog Cusub

Xog-dheeraad ah ayaa laga helayaa waxa sababay burburka diyaaradaas oo siday raashin Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii Baladweyne, Kabtanka Diyaradda ayaa xajiiyay sababaha keenay in ay bur-burto diyaaraddu. Waxaa uu sheegay Kabtan Xuseen Maxamed in diyaaradaasi oo ay leedahay Shirkadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya ay siday shixnad gargaar ah iyo sahay ay u waday Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Beledweyne,isla markaana ay dhacdadaasi qabsatay.

“Diyaaradda waxay aroortii hore ee shalay kasoo baxday Jabuuti, iyadoo soo dageysa waxaa dhabaha cagadhigashada soo maray Dameer oo ay ku dhaceen, taas waxay sababtay in ay dhabaha ka leexdaan, balse dhamaan shaqaalihii la socday waa ay caafimaad qabaan”ayuu yiri Xuseen Maxamed.

Diyaaradda ayaa laga lahaa dalka Kenya waxaana ay kasoo kicitintay dalka Jabuuti iyadoo sidaay raashin ciidanka Jabuuti ee Amisom Qaybta ka ah ay ugu tala galeen dadkii ay saameeyeen daadadkii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne, waxaana xusid mudan in diyaaradda dhammaan raashinkii saarnaa uu ku bas-beelay.

Related Post

Wararka