Ruushka oo Martigaliyay Wadahadallo La Doonayo in Xabad Joojin Laga Hirgaliyo Liibiya  

Dowladda ruushka ayaa martigalisay wadahadallo ay yeesheen  xubno matalayay generaal khaliifa xaftar iyo sidoo kale saraakiil katirsan dowlada liibiya ee dhawaan ay aqoonsatay qaramada midoobay.

Inkastoo aysan suurta galin in hishiiska xabad joojinta uusan saxiixin generaal khaliifa xaftar isaga oo dalbaday in lasiiyo waqti dheeraad ah oo uu go,aan kugaaro.

Hogaamiyaha dalka liibiya Faayez Al-sarraj ayaa horay u saxiixay hishiiska xabad joojinta ee la doonayay in laga hirgaliyo dalka liibiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada ruushka ninka lagu magacaabo Sarjeey Lafrof ayaa yiri

“Waxa ay mujiyeen aragti wanaagsan oo laxariirta nuqul kamid ah hishiiska xabad joojinta waxa ay naweydiisteen waqti dheeraad ah oo ay go,aan kugaaraan,horumar wanaagsan ayaa muuqda waxaan rajeynayaa in ay qaadan doonaan go,aan wanaagsan  ergooyinka  matalaya ruushka iyo turkiga waxa ay sii wadi doonaan dadaallada ay kudoonayaaan nabad kadhalata liibiya”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.