spot_img

Roy Hodgson” Ross Barkley waxa uu leeyahay Tayada xidigihii Hore ee xulka Talyaaniga Baggio iyo Totti

Macalinka xulka dalka England Roy Hodgson ayaa aaminsan in xidiga kooxda Evertoon Ross Barkley uu leeyahay Tayada Xigihiisa Hore ee xulka dalka Talyaaniga ee Roberto Baggio iyo Francesco Totti xili uu xidiga uu doonayo in uu dhaliyo Goolal badan

Xidiga Barkley ayaa Bandhig wanaagsan sameeyay xili ciyaareedkii soo dhamaaday isagoona Bandhig wanaagsan kula Bilowday kooxdiisa Evertoon xili ciyaareedkaan Bilowday

21-jirkaan Ross Barkley oo kasoo jeeda dalka ingiriiska ayaa dhaliyay 3-goal xili ciyaareedkaan Bilowday isagoona kooxdiisa si weyn kaga dhaxmuuqda Markuu la eego

Macalinka Roy Hodgson oo ah Hogaamiyaha xulka dalka Ingiriiska ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka laacibka kooxda Evertoon xili ay Galabta ka Hortagi doonaan kooxda Liverpool

 

Related Post

Wararka