spot_img

Raisul wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiran

Wafdi uu hogaaminaayo Raisul wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa  goor dhaweyd Gaaray Magaalada Beledweyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan

Waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya sida Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax xasan afrax iyo saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee Amisom ee ku sugan magaalada Beledweyne

Dhanka kale Sababaha keenay Gaarista Magaalada Beledweyne Raisul wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa lagu sheegay u kuur Galida xaaladaha abaaraha iyo Fatahaadyada laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo kamid ah Gobolada dalka  soomaliya

 

Related Post

Wararka