Raiisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Xasan Cali Kheyre Oo Raaligan Ka bixiyay Weerarkii 17/12/2017 Lagu Qaaday Xarunta Xisbiga Wadajir

Raiisul wasaarihii hore ee somaliya xasan cali kheyre oo shay dalka dib ugu soo laabtay ahna musharax madaxweynaha jamhuriyada faderaalka somaliya ayaa waxa booqday xarunta xisbiga wada jir uu ku leeyahay maalada muqdisho

waxaana la sheegay in uu raali galin buuxda ka bixiayay weerarkii 17 decenber 2017 lagu qaaday xarunta xisbiga wadajir oo uu hogaamiyo cabdiraxmaan cabdi shakuur warsame iyadoona la sheegay in xasan cali qeyre uu arintaasi ka cududaartay
hogaamiayaha xisbiga wadajir ayaa isguna sheegay in ay cafis nuucaan oo kale ah uu ufuranyaahay cid kasta oo dhibaatadaasi ku luglaheyd

qoraal uu bartiisa facebuuga soo dhigay hogaamaiayaha xisbiaga wadajir ayaana sidan u qornaa
Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017. Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay.

Tani ayaa wax ay kusoo adeysa xili lafilayo in raiisul wasaarihii hore ee somaliya xasan cali kheyre in uu ka qeyb galo kulan ay yeelanayaan musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweyanaha jamhuriyada faderaalka somalia oo aysan ku jirin kuwa kasocda dhanka dowladda haatan jirta