spot_img

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maamul Goboleedyda Kala Hadlay Daahfurnaanta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xalay guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxa uu kala hadlay daahfurnaanta doorashada iyo dardargelinteeda,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Kulankaan uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Golaha wadatashiga qaran ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Qaylo dhaan xoogan iyo tabashooyin badan laga muujiyay Arimaha Doorashooyinka

Waxaana jirta in xubnaha midowga musharaxiinta mucaaradka ay Ra’iisul Wasaaraha siiyeen Fursad uu la tashi kula sameynayo Golaha Wadatashiga Qaran si Madmaddowga looga saaro Doorashada

 

Related Post

Wararka