spot_img

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo kulan La Yeeshay Guddiyada Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT)

Kulanka ayaa waxa looga wada hadlay arimo badan oo kusaabsan doorashooyinka dalka kasoconaya dalka

Waxaana la tilmaamay in kulanka inta uu socday Ra’iisul Wasaaraha warbixin laga  siiyay Halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu  ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.

Doorashada Aqalka Sare ayaa wali heer gabagaba ah mareysa haatan
Waxaana lagu wada in dhawaan lasoo afjaro dhawaan si loo socodsiiyo Doorashada islamarkaasna loo dhaqan galinyo jadwalka lagu balamay ee Doorashada

Inta badan waxaa lagu guuleystay in la xaliyo qaar ka mid caqabadihii ugu waaweynaa ee hortaagaan Doorashada dalka ka dhacaysa kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Arinta xildhibaanada Gobola Waqooyi oo heshiis laga gaaray

Hada gaabiska ugu weyn ee ka jira dhanka doorashada ayaa waxa la sheegay in uu yahay khilaafka soo kala dhaxgalay Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha dalka,Kaas oo ka dhashay kiiska ikraan tahaliil

Related Post

Wararka