spot_img

Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Madaxweyne Qoor Qoor Oo Kulan Ka Yeeshay isfaham Waa Ka Dhex jiray

Raiisul wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta maxamed xuseen rooble ayaa waxa uu xalay kulan la qaatay madaxweymnaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor

Kulan ayaa waxa uu ahaa mid gaar ah oo labada masuul la sheegay in ay uga wada hadleen is faham waa muddoyinkii dambe udhexeyay labada masuul

Madaxweynaha maamulka galmudug ayaa waxa lagu eedeeyay in uusan qeyb k aqaadan xalinta khilaafkii dhawaam soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha dalka

Waxaana jirtay hadal heyn badan oo ay wadeen dadka reer galmudug taasi oo ku saabsan in qodobadii kasoo baxay maamul gobo;leedyada aan lagu xusin maamulka galmudug ,Iyadoona dadku ay isla dhexmarayeen in galmudug aysan matalaad sax ah helin

Kulanka xalay ee raiisul wasaare rooble iyo madaxweyne qoor qoor ayaa waxa la tilmaamay in lagu soo afjaray madmadowgii soo kala dhexgalay labada masuul

Madaxweynayaasha maamul goboleedyda qaar ayaa waxa lagu eedeeyay  in iyaga oo ka faaideysanaya khilaafka madaxweyne farmajo iyo Raiisul wasaare rooble ay iclaamiyeen shir walaac badan laga muujiyay oo  ay ku doonayaan in ay kula wareegaan hogaanka doorashada

Blasé  Raiisul wasaare rooble ayaa waxa warar ku sheegayaan in isaga oo difaacaya doorkiisa hogaaminta doorashada uu gabi ahaanba iska diiday in uu ka qeyb galo shirkaasi

Waxaana diidmada raiisul wasaaruhu ay timid ka gadaal markii xubnaha beesha caalamka ay rooble la wadaageen khatarta ka dhalan karta shirkaasi iyo klalalaasaha uu dalka u horseedi karo

Sidoo kale wararku waxa ay sheegayan in raiisul wasaare rooble uu haatan qorsheynayo shir ay magaalada muqdisho ku yeelanayaan madaxda maamul gobolkaasi oo ay uga wada hadlayaan doorashada aqalka sare

Related Post

Wararka