Rag Hubeysnaa oo 4-maalin Dhac Kawada Magaaladda Muqdisho+Dhageyso

Rag ku labisan dareeska Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay dhac ka geystay Magaaladda muqdisho.

Dhaca ayay kooxaha ku labisan dareeska Ciidamadda Dowladda waxa ay ka geysteen Nawaaxiga Biyo Dageenka xareed Degmadda holwadaag ee gobolka banaadir.

Mid kamid ah dadka la dhacay ayaa idaacada Simba u sheegay in kooxaha hubeysnaa ay dadka ka dhaceen Mobeelo iyo agabyada kale ay wateen, ayna markii hore iska dhigeen ciidamo caadi u socda.

Waxa uu sheegay in 10-mobil ay qaateen,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay dhacan inuu socdo ku dhawaad 4 maalin,aysan jirin cid wax ka qabanaysa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.