Qoor-Qoor oo Gaaray Degaanno Ka Tirsan Gobalka Galgaduud

Madaxweynaha Dowlad Gobaleed Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar xagga Dhulka ah ku tagay degaannada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud, waxaana si weyn usoo dhaweeyay dadka degaanka.

Qoor-Qoor ayaa ujeedkiisu yahay sidii uu u dhamaystiri lahaa heshiis horay loo dhexdhigay Beelo walaalo ah oo dega degaanada Huurshe iyo Xeraale.

Waxaana la rajeynaa in uu la fariisto odayaasha Beelahaas, waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada , isagoo kala sheekeysan doona halka marayso xaaladda guud , waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo degaanno kale oo ku yaalla Waqooyiga Gibolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.