Qof Shacab ah Oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qof shacab ah loogu geeystay deegaan duleedka ka ah magaalada muqdisho ee caasimada dalka

rag bastoolado ku hubeysan oo burcad ah ayaa waxa lagu soo waramayaa in haweeney ay ku dileen deegaanka garasbaaleey ee duleedka magaalada muqdosho

dilka haweeneydaan ayaa waxa uu yimid kadib markii la sheegay in ragaan bucada ah oo dhac u geysanayay wiilal ay dhashay haweynayda la dilay ay ku soo baxday islamrkaasna ragii burcada ahaa ay rasas ku fureen sidaasna ay ku geeriyootay

intaasi kadib waxa goobta uu dilku ka dhacay  gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasi oo goobta ka qaaday meyd hooyada la dilay oo la geeys xarunta dambi baarista ee CId iyadoona la sheegay in baaritaan lagu sameeyay islamrkaasna xabadii laga saaray

wararka ayaa shyeegaya in ragii burcada ahaa ay goobta iskaga baxsadeen dilka kadib

dilka haweynaydaan ayaa waxa uu imaanaya xili mudooyinkii dambe ay magalaada muqdisho iyo duleedkeeda ay ku soo badanayeen raga burcada ah oo dadka shacab ka ah gaar ahaana dhalinyarada ka furanaya moobilada iyo agabyada kala duwan oo ay wataan