Qarax Ka Dhacay Sh\Hoose oo Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyay

Wararka aynu ka helayno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramaya in halkaasi uu ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhawaac.

Goob joogayaal ku sugan degaanka Bariirre oo ka tirsan Gobalka Sh.Hoose ayaa inoo sheegay in jugta qaraxa lsi weyn looga maqlay degaanada ku xeeran Bariirre, waxaana qaraxu uu ahaa Miinada Dhulka lagu aaso sida aynoo sheegeen goob joogayaal ka ag dhawaa halka qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa haleelay gaari dameer ay la socdeen Wiil iyo Aabbihi, waxaana goobta ku geeriyooday wiilkii, iyadoo dhawaac culus uu soo gaaray Aabihii.

Ilaa iyo hada lama oga cida lala damacsanaa qaraxaas saakay ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Balse Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyada noocaan oo kale la eegtay gaadiidka Ciidanka dowladda Federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.