spot_img

Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho, iyo Shaqsigii Ka Dambeeyay oo La Qabtay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu xiray oo duhurnimadii maanta dhacay Magaalada muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay meel ku dhaw Shaleemo Somaali wadada Maka Almukaramah ee Magaalada muqdisho.

Goobjooge ayaa sheegay in shaqsigii qaraxa ku xirarayay gaariga ay akeyn Carruurta gaadiidka halkaasi ku dhaqda  kadibna ay ku wargaliyeen Ciidamadda ammaanka si gacanta loogu dhigo,waxana suura gashay in gacanta lagu dhigo.

Intii gacanta lagu hayay ayuu gaariga qarxay,waxaana ka dhalanin khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka shacabka ah.

Dhanka kale ciidamada amaanka ayaa ninka la qabtay u ka xeeyay xarunta C.I.D ee Booliska Soomaaliyeed si halkaas baaritaano loogu sameeyo.

 

Related Post

Wararka