Qarax Ismiidaamin ahaa oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Maqaayad ku taalla meel ku dhow halka lagu magacaabo Baar Bulsho,isgoyska sayidka.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qof isa soo miidaamiyay uu maqaayadaas isku qarxiyay,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay seddex ruux ayaa ku dhimatay tiro kalana dhaawacyo ayaa soo gaartay.

Maqaayadda la qarxiyay ayaa waxaa inta badan fadhiista askarta Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.