Waxaana lagu wada in Golaha Amaanka qaramada midoobe ay shirka yeeshaan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo maalmihii dambe cakirneyd.
Shirka ayaa waxa la sheegay inay ka qeyb galayaan masuuliyiin si dhaw ula socota arimha siyaasadeed Soomaaliya
Waxaana masuuliyiintaasi laga xusikara ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobe ee soomaaliya mr James Swan iyo masujliyiin kale
Waxaana la sheegay in shirka uu ku qabsoomidoono aalada fogaan araga ee zoomka loo yaqaano.
Shirka ayaa waxa la filayaa in looga hadlo xaalada Soomaaliya gaar ahaana halka ay marayaa dhinacyada amaanka iyo doorashada iyo arimo kale oo xasaasi ah
Gabgabada shirka ama marka uu shirku soo dhamaado ayaa waxa la filayaa in golaha amaanka qaramada Midoobe in ay kasoo saaraan warmurtiyeed ku saabsan xaaladaha Soomaaliya ee jira iyo arimaha u baahan xalinta deg dega ah
Shirka golaha amaanka qaramada Midoobe maanta ka yeelanayo xaalada Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadaya xili wali dalku uu ku jiro xaalad adag wax heeshiis ahna aan laga gaarin arimaha doorashooyinka
Beesha Caalamka ayaana mudooyinkii dambe aad xooga u saareysay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ay wada hadlaan ayna ka heshiiyaan doorashada taas oo wali aan lagu guuleysan.