spot_img

Qaar Kamid ah Midowga Murashaxiinta Oo Qaadacaya Qaabka Ay kusocoto Doorashada Golaha Shacabka

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegyaan in qaar ka mid xubnaha Midowga Musharaxiinta ay ka walaacsan yihiin qaabka ay hada kusocoto Doorashada Golaha Shacabku

Waxaana la sheegay in ay damacsanyihiin in ay soo saaran war ay ku qaadacayaan sida ay usocoto doorashada oo ay sheegeen in boob fara badan uu jiro oo ku raasta qaar lagu shubtay

Inta badan midowga musharaxiinta ayaa wax hampalyo ah u dirin shantii xildhibaan ee shalay lagu dooratay magaalada Muqdisho iyadoona horay midowga musharaxiinta looga bartay In ay Hambalyeeyaan Xildhibaanada kusoo baxaya doorashada dalka ka dhaceysa sida doorashada aqalka sare oo musharaxiintu ay amaaneen islamarkaasna ay hampalyo udireen dadkii kusoo baxay

Xubnaha Midowga musharaxiinta ee walaaca xoogan qaba waxa ka mid ah madaxweynayaashii hore ee dalka xasan sheikh maxamuud iyo sheikh shariif

Waxaana kaloo wali muuqada oo si aad ah walaac u muujinaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur,Cabdikariin xuseen guuleed iyo Daahir Maxamuud Geelle

Waxaana qaar ka mid ah Musharaxiintu ay sheegeen in xubno soo baxay ay muujinayaan in ladoonayo in markale ladoorto Madaxweynaha haatan talada dalka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Xubnahaan walaacsan ee midowga musharaxiinta ayaana waxa lagu wada in saacadaha soo socda ay soo saaran warmurtiyeed ay ku diidanihiin hufnan la.aanta ay kusocoto Doorashada Aqalka Hoose

Related Post

Wararka