Puntland oo Sheegtay in Hal Qodob Kula Heshiisay Dowladda Federaalka

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in  Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay kula heshiiyeen habka bixinta shahaadooyinka ardayda reer Puntland ee sannadkan dhammaysay dugsiyada sare.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Professor Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay in Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku heshiiyeen in shahaadooyinka ardayda Puntland lagu soo sameeyo magaalada Muqdisho kadibna si toos ah looga bixiyo xarunta wasaaradda Waxbarashada Puntland ee Garoowe.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa beeniyay warar xalay lagu baahiyay baraha bulshadda oo lagu sheegay in arday reer Puntland ah oo deeq waxbarasho heshay lagu xannibay garoomada dalka Ethiopia kadib markii loo diiday Vissaha (dal-ku’galka) waddankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.