Puntland oo Shaacisay Tirada iyo Magacyada Maraakiibta Jarriifka Wada

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay tirada iyo magacyada maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye oo kalluumeysi sharci darro ah kawada xeebaha Maamulka Puntland.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Farah Cawaash Beeldaaje oo  warbaahinta kula hadlay Magaaladda Boosaaso ayaa sheegay maraakiibta inay yihiin caadaystaal ku caan baxay gurashada kheyraadka Puntland, isagoo xusay inay Puntland ciidan udirtay oo gacanta lagusoo dhigidoono.

Sidoo kale waxa uu sheegay maraakiibta jarriifayaasha ah iyo shirkaddaha laga leeyahayba inay dacwad ka gudbiyeen oo aysan jirin suuq ay u iib gayn karaan kalluunka ay ka xadaan xeebaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.