Puntland oo Shaacisay Seddex Qolo oo aan Bandowga Habeenkii Saamayn Doonin

Magaalooyinka Maamulka Puntland waxaa xalay ka dhaqan galay Bandow lagu soo rogay,cabsidda Carona-virus oo sameeyay meelo badan oo caalamka ah.

Bandowga oo ku kooban Habeenkii oo keliya, ayaa soconaya mudda laba todobaad ah laga bilaabo lixda makhribnimo ilaa shanta aroornimo, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Garoowe, ayaa shaaciyay in dhammaan magaalooyinka Puntland uu si rasmi ah ugu dhaqan galay Bandow-ga.

Taliyaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Maamulka iyo weriyaasha oo keliya loo ogol-yahay, in ay socdaan xilliyada Habeenkii ah, si ay kormeer ugu sameeyaan dhaqan-gelinta bandowga saaran magaalooyinka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.