Puntland oo Laabatay Go’aankii Lagu Xirayay Masaaajidda iyo Dugsiyadda

Puntland ayaa ka laabatay Go’aankeeda ku aadanaa in la xiro dhamaan masaaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka,cabsi laga qabo cudurka Corona-virus.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud, oo shalay kulan gaar ah la qaatay culimaa’udiinka masaajidda,ayaa sheegay in Puntland ay khafiifisay go’aankeedii ahaa in la xiro masaajidda, si looga hortago Coronavirus.

Wasiir Xaamud, ayaa sheegay in dowladda iyo culimaa’udiinku ay isu raaceen in masaajiddu sii furnaadaan, balse la xiro musqulaha iyo goobaha lagu weesaysto ee masaajidda, islamarkaana la ilaaliyo nadaafadda, si looga hortago cudurkaas.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.