PL oo Sheegtay in La Xaliyay Ciidamo Gadood Ka Sameeyay Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa sheegay in la xaliyay Tabashadda Ciidamadii Gadoodsanaa ee Maalmihii dambe ku sugnaa Gudaha Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen magaaladda Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada  ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidanka ee gadoodka sameeyay.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa u mahadceliyay odayaasha dhaqanka iyo culimaa’uddiinka magaalada Boosaaso oo sida uu sheegay door aad muhiima ka qaatay xal u helidda tabashooyinkii sababay in ay gadood sameeyaan ciidanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.