spot_img

Omar C/rashiid:-“Waxaan Cadayn inaan la igala Tashan Arinta Boosaaso”,

Raisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa beeniyay in uu qeyb ka ahaa qoraal laga soo saaray Magaaladda Boosaaso oo ee ku aadan arinta Boosaaso.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in uusan qeyb ka aheyn go’aanka Madaxdii hore ee Puntland.

“Waxaan cadayn inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsanaa” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka.

Khilaafka ka dhex jira Madaxweyne Deni iyo Ciidamaa PSF ta ayaa u muuqda mid dadkii dhexdhexaadinayay ay ku kala qeybsameen waxayna taasi sababi karta halis hore leh.

Bayaanka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Labo Madaxweyne hore, iyo sida la sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore iyo xubno kale ayaa ka horyimid qoraalkii qaar ka mid ah Isimada Puntland soo saareen aanu talo ku laheyn, sidaas darteed aanu aheyn mid wax u taraya xasilloonida iyo Wadajirka Puntland.

Related Post

Wararka