NISA oo Shabaabnimo u Xirtay Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka rugta Ranacsiga

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, oo lagu tuhmayo in ay yihiin Al-Shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hay’adda Nisa ay baaritaano ku haysay xubnahaan,islamarkaana la ogaaday in Labadda Mas’uul ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, aysan ganacsi shaqo ku laheyn.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariim Gabeyre lagu qasbay magacaabista xubnahan kadib markii dil loogu hanjabay.

Idaacadda Voa-da ayaa dhawaan baahisay muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.