Nin Sababsaday Gacanta Xaaskiisa uu Qabay

Waxaa maanta degmada Afgoye ee Gobolka Shabeeellaha Hoose lagu dilay wiil ka mid ahaa dadka degaanka, waliba waxaa uu ahaa dadka sida weyn looga yaqaanno degmada.

Wiilkaan ayaa la sheegay in ay dilka u gaysatay xaaskiisa, waxaana dadka degaanku ay sheegeen ay ku noqtay arrintani mid la yaab ah, marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Maxamed Macalin, waxaana sidoo kale uu ahaa aabbe leh Sagaal carruur ah oo ay u dhashay Haweenayda dilka u geysatay,

Ciiidamada dowladda ayaa gaaray goobta falku ka dhacay waxaana ay wadaan baaritaanno la xariira falka, iyagoo ku howlan baaritaan ka waxa sababay in falkani dilka ah uu dhaco.

Si kastaba ma cadda waxa sababay dilka marxuumka, walina kama aysan hadlin maamulka degmada qaybaha kala duwan eek u shaqada leh,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.