OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Nin Dhawaan Qof Ku Dilay Gobalka Sanaag oo Lasoo Qabtay

Ciidamo ka tirsan maamulka Soomaliland ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin dhawaanahaan ay ku raad joogeen kaasoo dil ka gaystay qaybo ka mid ah Gobalka Sanaag.

Ninkaan ay ciidanku gacanta kusoo dhigeen ayaa la sheegay in uu degaanka Fadhi Gaab ku dilay Nin Kale oo dadka degaanka ka mid ahaa, waxaana jirtay in xiisad colaadeed ay ka dhalatay dilka uu gaystay Ninka ay soo qabteen ciidanka Somaliland.

Waxaa la sheegay  ciidanka oo ahaa kuwo si gaar ah u tababaran in xabsi ku yaalla cel-Afweyn lay dhigeen Ninkii ay soo qabteen, Dhinaca kalena degmada Ceel-Afweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shirar la doonayo in lagu soo afjaro colaad u dhaxeysa laba beelood oo sanadihii la soo dhaafay halkaasi ka taagneyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.