MW Xaaf oo Dib Ugu Laabtay Gaalkacyo,Qoraal Laga Soo Saaray Xafiiskiisa

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dib ugu laabtay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Xaaf ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaaladda Dhuusa-mareeb uu kula soo kulmay Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor),wuxuunA sheegay in uu ka tanasulay Xilka Galmudug.

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay sababta Madaxweynihii Hore ee Galmudug ugu laabtay magaaladda Gaalkacyo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa looga hadlay sababta Madaxweynaha Ugu laabtay Magaaladda gaalkacyo.

”Madaxweynaha ayaa safar degdeg ah habeen hore ku tagay Magaalada Gaalkacyo waxa uuna caawa dib ugu soo laabtay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb,dad badan ayaa siyaabo kala duwan u dhigay safarka Madaxweynaha balse waxaanu u cadeyneyna in arimo gaar u ah isaga uu u baxay Madaxweynuhu dibna ugu soo laabtay Caasimada’,ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweyne Xaaf.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.