spot_img

Muwaadin Soomaaliyeed oo Laga Sii Deynayo Xabsiga Guantanamo Bay

Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xirnaa xabsiga weyn ee Guantanamo Bay ayaa loo sheegay in laga sii daynayo xabsiga.

Muwaadinkaan oo lagu magacaabo Guuled Xasan Duraan, ayaa noqday maxbuuskii ugu horreeyay ee laga keeno xabsiyada qarsoodiga ah ee C.I.A,islamarkaana weligiis lagu soo oogin wax dacwad ah.

Isniintii aynu soo dhaafnay ay ku beegneyd sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xabsiga ciidammada badda Mareykanka ee Cuba ayaa loo sheegay Guuleed in xabsiga laga sii deyn doono.

Waxa uu noqonayaa maxbuuskii 15-aad ee 39-ka maxbuus ee weli ku jira xabsiga Guantanamo bay oo loo ogolaaday in la sii daayo, hadii uu helo dal qaabilaya oo damaanad qaadaya amnigiisa.

Guuled Xasan Duraan, ayaa lagu xiray dalka Jabuuti sanadkii 2004-tii, wuxuuna ku sugnaa ilaa 900 maalmood xabsiga qarsoodiga ah ee sirdoonka Maraykanka C.I.A.

Related Post

Wararka