Musharaxiinta Mucaaradka Oo Maanta Shir ka yeelanaya Arimaha Doorashooyinka Dalka

waxaana lagu wadaa in magaalada muqdisho ee caasimada dalka uu shir uga furmo hogaamiyaasha mucaarad ah ee u sharaxan qabashada  xilka madaxweynaha jamhuriyada faderaalka somaliya

shirka maanta ay yeelanayaan musharaxiinta madaxweyanaha somaliya ayaa waxa la sheegay in ay kaga wada hadlayaan sidii loo hagaajin la haa madmadooga uga jira giddiga doorashooyinka dalka oo ay magacowday dowlada faderaalka somalaiya kuwaasi oo lagu eedeeyay in ayhiin shaqaale ka tirsanaa dowladda iyo hay,ada nisa

waxaana la sheegay in shirka ay ka qeybgalayaan in badan musharaxiinta mucaaradka ah oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka xasan shiikh maaxmuud iyo shiikh shariif shiiq axmed

waxa kaloo ka mid ah masuuliyyinta ka qeybgaleysa shirkaan

raiisul wasaarihi hore ee somaliya xasan cali kheyre

hogaamiyasha xisbiga wada jir cabdiraxmaan cabdi shakuur

gudoomiyaha xisbiga ileys cabdi qaadir cosoble

madaxweyhiire ee maamulka galmudug c,kaiin xaseen guueed

madaxweyniihii hore ee maamulka koonfur galbeed  shariif xasan

iyo sidookale hoaamiaayaal kale oo mucaarad ah kuwaasi oo qaadacay guddiga doorashoyinka ee ay dowladdu magacowday

maalmihii dambe ayaa waxa taagnaa qeyladhaan ay musharaxiinta mucaaradka ka muujinayeen giddiga doorashoyinka waxaana la filayaa shirka maanta ay yeelanayaan hogaamiyaasha mucaaradka oo socondoona muddo sadax cish ah ay kusoo bandhigaan waxyaabo ay doonayaan in lagu xaliyo dhibaatada ay ka cabanayaan oo dhexdhexaad ah