spot_img

Musharaxiinta Dalka Oo Loogu Baaqay inay Dulqaad Ka Muujiyaan Doorashooyinka

Xili saacadihii lasoo dhaafay muran xoogan uu hareeyay arimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka ayaa waxa xubnaha Mucaaradka ah laga dalbaday in ay samirbadan muujiyaan inta ay socoto doorashada dalka ka dhacaysa.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Dalka ayaa qaba in wax badan ay dalka ka bi,inkarto hadii si aad ah loo dagdago islamarkaasna laga horyimaado wax walba oo aysan dan gaar ah ku jirin dhinacyada isku haya doorashada

Siyaasi cabdi nuur maxamed Sheikh oo la hadlay idaacadda simba ayaa waxa uu cod dheer uu baaq ugu diray xubnaha midowga musharaxiinta isaga oo ka dalbaday in ay dulqaad muujiyaan oo aysan diidin wax walba iyada oo lagu mucaaradayo Dowladda

Waxaana uu siyaasigu uu sheegay in loo baahanyahay in guddiyada doorashooyinka loo madaxda babaaneyo Arimaha qabashada doorashada

Hadal siyaasi ayaa imaanaya xili muddoyinkii dambe walaac xoogan iyo cabashooyin laga muujiyay doorashada aqalka hoose oo si dardar leh ku socota

Waxaana la tilmaamay in boobkii ugu badbaa ee kuraasta Golaha Shacabka haatan la arkayo

Iyadoona ay xusid mudantahay in boobkaasi la sheegay daddaalkii ugu badbaa oo looga hortago ay qaadeen midowga musharaxiinta

Related Post

Wararka