Meydadka Al-shabaab oo Laga Soo Aruuriyay Duleedka Marka+Dhageyso

Meydadka dagaalyahano ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab ayaa laga soo aruuriyay maanta duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xoghayaha Degmadda Marka Maxamed Cusmaan Yariisow oo la hadlay idaacadda Simba Ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in meydadka lasoo aruuriyay ay gaarayaan 5-ruux oo Al-shabaab ahaa.

Waxa uu sheegay in ragga shabaab ka Tirsanaa ay isku dayeen in ay weerar kusoo qaadaan xalay magaaladda marka,balse ay ka hortageyn ciidamadda 14-October ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee Magaaladda ku sugan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.