Maxkamadda CQS oo Xukuno Riday Ragii Fuliyay Qaraxii Degmadda Wadajir

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xukuno ku riday Shaqsiyaad loo haystay qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo bishii November ee sanadkii 2018-kii ka dhacay Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa mudooyinkii dambe waday dhageysiga kiiska eedeysanayaasha,waxaana todobaadkii hore lasoo gaba-gabeeyay kiiska.

Ugu dambeyntii maanta oo khamiis ah ayay Maxkamadda xukuno ku riday eedeysanayaasha.

Xasan Cali Macalin Barre ayaa lagu xukumay dil toogasho ah,halka xabsi daa’in ay ku riday Sayid Cali Aadan Nuur oo lagu helay inay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay xaafada Kaawo godey ee degmada Wadajir 26 November sanadkii hore.

Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sii daysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigaas.

Qaraxii ka dhacay Degmadda wadajir waxaa ku dhintay 12-ruux,sida xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ay sheegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.