Maxkamadda CQS oo Amartay in La Toogto Maleeshiyaadka Wanlaweyn Dadka Ku Dilay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Somaliya ayaa amartay in Nolol iyo Geeri lagu soo qabto maleeshiyaadkii dadka ku laayay Degmada Wanlwayn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute oo la kulmay  Waxgaradka Degmadda Walanweyn ayaa sheegay, in aan loo dulqaadan Karin dhibaatooyinkii ka dhacay Degmadda,kuwaasi oo dad lagu dilay kuwa kalana lagu gubay.

Shuute ayaa amar ku siiyay ciidamadda in ay toogtaan Maleeshiyaadkii ka dambeeyay falalkii ka dhacay Degmada Wanlwayn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.