Maxamed Cabdulle oo Ka Tirsanaa Malatariga DFS oo Lagu Dilay Muqdisho

Kooxo hubeysnaa ayaa Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay Haanta Dheer Dhinaca Degmadda Hodan, ee gobolka Banaadir.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdulle oo ka tirsanaa Guutadda 6-aad ee Malatariga Dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba  ayaa sheegay in dhalinyaro hubeysneyd ay dileen sarkaalka xili uu kasoo baxay masaajid gurigiisa ka ak dhawaa.

Waxa uu sheegay Sarkaalka in ragii dilka fuliyay ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay,waxaana goobta laga qaaday meydka Sarkaalka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.