Maxaa ka jira in Villa Soomaaliya Lacago Siiyay Xildhibaanadda Galmudug+Dhageyso

Qaar kamid ah Xildhibanada Cusub Ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa beniyey in la siiyay lacago si ay codkooda u siiyaan shaqsi ka sacoda dhinaca Villa Somaliya.

Xildhibaan  Cawil  Cali Maxamuud oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa beeniyay wararka ku aadan in Xildhibanaadda la siiyay lacago si ay u doortaan xubno ay taageerayso madaxtooyadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Soomaalida ay iska yihiin kuwa hadalka iska jecel,balse Xildhibaanadda Galmudug ay matalaan shacabka ayna dooran doonaan shaqsi ay u arkaan in uu samata bixin karo Galmudug.

Hadalka Xildhibaan  Cawil  Cali  Maxamuud ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan in Madaxtooyadda Soomaaliya Shaqsiyaad iyada taageerayso u wado Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.