Mas’uuliyiinka Ka Tirsan KGS iyo Hirshabeelle oo Isku Eedeeyay dagaalka Walanweyn

Gudoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Cumar  oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa daagaalka Walanweyn ku eedeeyay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle.

Waxa uu sheegay in dagaalka uu haatan joogsaday,islamarkaana deegaanka ay ugu tageyn meydadka 12-ruux oo la gaaran waayay dhinacyadda ay ahaayeen.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Ciidamadda Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku sugan Saldhiga Balidoogle ay deegaanka la wareegeen,islamarkaana ay xaalada ay haatan dagan tahay.

Gudoomiye ku-xigeenka Maaliyada Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in xildhibaan lagu magacaabo Xildhibaan aadan Kaladire oo ka Tirsan Baarlamaanka maamulka hir-shabeelle uu hurinayo dagaalka deegaanka walanweyn,islamarkaana kooxihii uu teegeerayay deegaanka laga saaray.

Dhanka kale Xildhibaan aadan Kaladire oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay walaweyn ay ka dambeeyeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen, Gudoomiye ku-xigeenka Maaliyada Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.