Mas’uuliyiin Ka Tirsanaa Maamulka Baladxaawo oo Al-shabaab Isku Dhiibay

Xubno ka Tirsanaa Maamulka Degmadda Baladxaawo ee Gobolka gedo ayaa la sheegay in ay isku dhiiben Xarakadda Al-shabaab.

Munaasabadd ka dhacday degmada Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa lagusoo bandhigay illaa Afar Mas’uul oo ka shaqeynayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beled Xaawo.

Goobta lagu soo bandhigayay Xubnahaan waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Al-shabaab.

Hoos ka akhri magacyada iyo jagooyinka saraakiisha isdhiibtay

Xuseen Jibriil Ibraahim wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8aad ee Beled xaawo

Xuseen Sahal Aadan wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda7aad ee Beled xaawo

Cabdiwali Iftiin Barroow wuxuu ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7aad ee magaalada Beled Xaawo

Maxamed khaliif xasan guddoomiyaha xaafadda 8aad ee magaalada Beled Xaawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.